[SOMALI] 1 OGEYSIIN KU SAABSAN DOORASHADA GOLAHA DEGMOOYINKA EE LA QABANAYO SANNAD 2012 Waddanka Finland wuxuu u qaybsamaa degmooyin (kunta). Dastuurka waddanku siduu dhigayana degmooyinku waxay xaq u leeyihiin ismaamulid daakhili ah. Degmooyinku waxay go’aan ka gaaraan waxyaabo badan oo khuseeya degmada dadkeeda. Laanta ugu sarraysa ee degmada ee go’aan gaartaa waa golaha degmada (valtuusto) oo ah gole ay dadka degmada deggan soo doortaan. Xubnaha golaha degmada afartii sannadoodba mar baa la soo doortaa, waxaana lagu soo doortaa doorashada golaha degmooyinka. Doorashada golaha degmooyinka ee ugu soo horaysaa waa Axadda 28.10.2012. Doorashada golaha degmooyinka waxaa codayn kara oo isa soo sharraxi kara qof walba oo dhalashada Finland leh iyo dadka waddamada kale dhalashadooda leh ee degmada deggan ee soo buuxiya shuruudaha loo baahan yahay. Codayntu Finland khasab ma aha. Deegaanka Ahvenanmaa doorashada golaha demooyinku kama jirto sannadka 2012. Xuquuqda codaynta – yaa codayn kara Doorashada golaha degmooyinka waxaad codayn kartaa, haddii aad ledahay dhalashada Finland ama dhalashada waddan kale oo ka mid ah waddamada Midowga Yurub, Aysland ama Norwey, isla markaasna aad buuxinayso shuruudahan soo socda: - 18 sano ayaa kuu buuxsamaysa ugu dambayn maalinta doorashadu dhacayso (28.10.2012) - ugu dambayn 7.9.2012 waxaad Finland ku leedahay degmo aad ka tirsan tahay Haddii aad tahay qof waddan kale dhalashadiisa leh, doorashada golaha degmooyinka waxaad codayn kartaa, haddii - 18 sano kuu buuxsamayso ugu dambayn maalinta doorashadu dhacayso (28.10.2012) - inta ka horaysa 7.9.2012 aad ugu yaraan labo sano oo xiriir ah Finland ku lahayd degmo aad ka tirsan tahay Degmo ka tirsanaantu waxay waafaqsan tahay sida uu dhigayo sharciga degmo ka tirsanaantu. Sida caadiga ah degmada aad ka tirsan tahay waa tan aad deggan tahay. Doorashada golaha degmooyinka ee sannadka 2012 qofku degmada uu ka tirsan yahay waa midda diwaanka dadku ku jiraan (väestötietojärjestelmä) uu codeeyuhu ugu jiro inuu ka tirsan yahay 7.9.2012 saacaddu markay tahay 24. Haddii aad rabto xafiiska diwaangelinta (maistraatti) ayaad ka ogaan kartaa degmada aad ka tirsan tahay. Doorashada golaha degmooyinka waxaad u codayn kartaa oo keliya qof degmadaada iska soo sharraxay. 2 Ogeysiinta ku saabsan xuquuqda codayntu guriga ayey kuugu imaanaysaa Xarunta Diwaanka Dadka (Väestörekisterikeskus) iyo xafiisyada diwaangelinta (maistraatit) ayaa haya diwaanka xuquuqda codaynta ee ay ku qoran yihiin dadka xuquuqda codaynta leh oo dhan wararkoodu. Looma baahna inaad si gaar ah isaga soo diwaangeliso diwaanka xuquuqda codayta. Xafiiska diwaangelinta (maistraatti) ayaa qof walba oo xuquuqda codaynta leh oo cinwaankiisa la hayo u soo dira ogeysiin ku saabsan xuquuqda codaynta. Ogeysiinta waxaa qofka loo soo diraa ugu dambayn 4.10.2012. Kaarka ogeysiinta (ilmoituskortti) waxaa ku qoran tilmaamo laguugu sheegayo sida loo codeeyo. Gelidda doorashada – Yaa musharrax noqon kara Doorashada waad ka qaybgelin kartaa oo doorashada golaha dedmooyinka waxaad iska soo sharraxi kartaa degmada aad ka tirsan tahay, haddii aad soo buuxiso shuruudahan soo socda: - degmada aad rabto inaad iska soo sharraxdo waa degmada aad ka tirsan tahay - degmo ayaad ku leedahay xuquuqda codaynta - ma tihid qof aan garaad ahaan isku filnayn oo masuul lagaama ah (holhouksen alainen). Qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda iyo shaqaalaha maamulka degmooyinka ee jagooyinka sare haya iyo kuwo ka mid ah shaqaalaha degmadu, doorashada ma geli karaan oo isma soo sharraxi karaan. Soo sharraxidda musharraxiinta doorashada golaha degmooyinka Doorashada golaha degmooyinka waxaa dad soo sharraxi kara - xisbiyada la diwaangeliyey - dadka codaynta xuquuqda u leh ee samaystay urur doorasho (valitsijayhdistys). Si loo samaysto urur doorasho waxaa loo baahan yahay ugu yaraan toban qof oo degmada deggan oo xaq u leh inay codeeyaan. Qaar ka mid ah degmooyinka yar yar waxaa loo baahan yahay saddex ama shan qof oo degmada deggan. Laba xisbi iyo wixii ka badan waxay xaq u leeyihiin inay samaystaan iskaashato doorasho (vaaliliitto). Laba urur doorasho (valitsijayhdistys) iyo wixii ka badan waxay xaq u leeyihiin inay samaystaan liis ka dhexeeya oo ah iskudarsasho liis (yhteislista). Xisbiga, iskaashatada doorashada ama iskudarsashada liisku waxay degmada ka soo sharraxan karaan ugu badnaan tirada golaha degmada loo dooranayo intay dhan yihiin iyo bar. Golaha degmada loo doorto xubnaha uu ka kooban yahay tiradoodu waxay ku xiran tahay dadka degmada deggan tiradooda, xubnaha golaha degmaduna waxay karaan 17–85 xubin. Qof walba oo isa soo sharraxaa wuxuu leeyahay lambar u gaar ah. Waxaa la daabacaa liis warqado ah oo ay dadka isa soo sharraxay ku qoran yihiin, iyagoo u kala horeeya siday lambarradoodu u kala horeeyaan. Lambarraduna waxay ka bilowdaan lambar 2. Dadka musharraxiinta ah waxay liisaska ugu qoran yihiin xisbi xisbi iyo iskudarsho liis ahaan. Qof walba oo musharrax ah wararkiisa liiska ku qoran waa: magac, lambarka codaynta iyo xirfad. Dadka musharraxiinta ah liiska ay ku qoran yihiin waxaa kale oo ka muuqda - xisbiyada wada samaystay iskaashato doorasho (vaaliliitto) - ururada doorasahda ee wada samaystay iskudarsasho liis (yhteislista) 3 - xisbiyada aan ku jirin iskaashato doorasho - dadka sharraxan ee aan ku jirin iskudarsho liis. Dadka isa soo sharraxay liisaska ay ku qoran yihiin waxaa la dejinayaa 27.9.2012. Wakhtiyada codaynta Waxaad codayn kartaa maalinta doorashada oo ah Axadda 28.10.2012 ama maalinta doorashada ka hor inta lagu jiro wakhtiga hore u sii codaynta. Mar keliya ayaad codayn kartaa. In labo mar la codeeyo waa dembi ciqaabtiisu ku qoran tahay sharciga dembiyada. Hore u sii codayn: Hore u sii codayntu waxay bilaamaysaa Arbacada 17.10.2012. Hore u sii codayntu waxay waddanka debeddiisa ku eg tahay Sabtida 20.10.2012, Finland gudeheedana waxay ku eg tahay Talaadada 23.10.2012. Meelaha hore u sii codaynta qaar ka mid ah wakhtiga laga codayn karaa wuu gaaban yahay. Hore waxaad uga sii codayn kartaa meel walba oo hore looga sii codayn karo oo waddanka gudihiisa ama debeddiisa ah. Meelaha hore looga sii codeeyaa waa - waddanka gudihiisa meelaha ay degmooyinku u qorsheeyeen in hore looga sii codayn karo, kuwaas oo badanaa ah xafiisyada degmadu leedahay iyo boostooyinka - badanaa safaaradaha ama wakiillada Finland ku leedahay waddamada debedda - xeryaha ah sida isbitaallada, unugyada waxqabadka ee daryeelka bulshada iyo xeryaha ciqaabta (xabsiyada). - Xeryaha (Laitokset) waxaa ka codayn kara dadka meelahaas lagu daryeelo ama dadka meelahaas la geeyey oo keliya. - markabyada Finnishka ah ee wakhtiga hore u sii codaynta ku maqan waddanka debeddiisa. Markabka waxaa ka codayn kara dadka ka shaqeeya oo keliya. Dadka rakaabka ah ee markabka saaran kama codayn karaan markabka. Codaynta maalinta doorashada: Codaynta maalinta doorashadu waa Axadda 28.10.2012 saacadaha u dhexeeya 9–20. Maalinta doorashada waxaad ka codayn kartaa oo keliya degmada iyo meesha codaynta ee ku qoran kaarka ogeysiinta ee laguu soo diray. Ku codaynta guriga: Inta lagu jiro wakhtiga hore u sii codaynta, gurigaaga adigoo jooga ayaa codayn kartaa, haddii awooddaada socodka ama kartidaada waxqabadku ay xadiddan tahay ilaa heer adigoo aan aad ugu dhibtoon oo ugu rafaadin, aadan tegi karin meesha codaynta. Qofka raba inuu isagoo gurigiisa jooga codeeyo waa inuu isa soo sheegaa ugu dambayn Talaadada 16.10.2012, intaan la gaarin saacadda 16 (4-ta galabnimo). Waxaa la isu soo sheegaa guddiga dhexe ee doorashada ee degmadaada (kotikunnan keskusvaalilautakunta). Qofka ehelhayaha ah ee ay isku dheriga yihiin baa hal mar wada codayn kara, haddii shuruudaha loo baahan yahay la soo buuxiyo. 4 Sidan baad u codaynaysaa Codayntu waxay ka dhacdaa meesha codaynta. Hal qof oo keliya ayaadna u codayn kartaa. Qofka aad u codaynaysaa waa inuu yahay mid ku qoran liiska ay ku qoran yihiin dadka degmadaada ka sharraxan. 1) Shaqaalaha doorashada u caddee qofka aad tahay oo waxaad tustaa aqoonsi ah baasaboor, kaarka aqoonsiga, laysanka baabuur wadidda ama dukumeenti kale oo u dhigma. Qofka shaqaalaha ah wuxuu ku siinayaa tigidhka codaynta (äänestyslippu). 2) Waxaad aaddaa qolka yar ee codaynta. Halkii marba hal qof oo keliya ayaa ku jiri kara qolka yar ee codaynta. 3) Qofka isa soo sharraxay ee aad u codaynayso lambarkiisa ayaad ku qoreysaa tigidhka codaynta. Hal qof oo keliya ayaad u codayn kartaa. Qofka isa soo sharraxay ee aad u codaynayso lambarkiisa waxaad ku qortaa tigidhka codaynta goobada ku taalla gudeheeda. Wax kale oo calaamad ah ha ku samayn tigidhka codaynta. Tigidhka codaynta isku laab oo lambarka aad ku qortay yaanu dusha ka muuqan oo lambarku waa inuu gudaha ha ku jiraa. 4) Tigidhka oo isku laaban u gee shaqaalaha doorashada. Shaqaalaha doorashadu shaabbad buu tigidhka ku dhejinayaa. 5a) Haddii aad maalinta doorashada codaynayso, tigidhka oo shaabbadaysan ku rid sanduuqa codadka. 5b) Haddii aad maalinta doorashada ka hor hore u sii codaynayso, shaqaalaha doorashada ayaa ku siinaya baqshadda doorashada. Tigidhka oo shaabbadaysan baad baqshadda ku rideysaa, ka dibna waad xiraysaa. Haddii awooddaada ah inaad qofka musharraxa ah lambarkiisa ku qorto tigidhka codayntu ay si aad ah hoos ugu dhacday, codayntu markay jirto waxaad caawimo ahaan u isticimaali kartaa qof aad adigu dooratay oo ku caawiya ama shaqaalaha doorashada. Caawiyuhu ma noqon karo qof ka mid ah kuwa doorashada ku jira ee isa soo sharraxay. Caawiyaha waxaa waajib ku ah inuu xogtaada doorashada xafido oo waxyaabaha uu markaad codaynaysey ogaadey waa inuu si sir ahaan ah u xafidaa. Faahfaahin dheeraad ah - Wixii faahfaahin dheeraad ah ee doorashada ku saabsan waxaa bixiya guddiga dhexe ee doorashada ee degmada (kunnan keskusvaalilautakunta). Su’aalaha shakhsi ahaaneed ee ku saabsan xuquuqda codaynta waxaa ka jawaaba xafiiska diwaangelinta (maistraatti). Labadoodaba cinwaannadooda iyo lambarradooda telefoonku waxay ku qoran yihiin kaarka ogeysiinta (ilmoituskortti). - Meelaha hore looga sii codeeyo cinwaannadooda iyo wakhtiyada ay furan yihiin iyo diwaanka musharraxiinta iyo wixii kale ee war ah ee doorashada ku saabsan waxay ku qoran yihiin Wasaaradda Garsoorka boggageeda doorashada ee cinwaankoodu yahay www.vaalit.fi - Wararka ku saabsan musharraxiinta doorashada golaha degmooyinka waxaa boggaga doorashada ee Wasaaradda Garsoorka lagu soo qoraa ugu dambayn bilowga Oktoobar. Wararka ku saabsan meelaha hore looga sii codayn karo waxaa boggaga lagu soo qoraa bisha Agoosto bartameheeda. WASAARADA CADAALADA